image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Lataliyaha Amniga Madaxweyne Xasan oo beeniyay arrin laga faafiyay

Muqdisho (Onkod Radio) — La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira in kulan uu la qaatay saraakiil Ethiopian ah. 

Wararkaas ayaa lagu sheegay in Xuseen Macallin uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka kooxda TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia. 

Warbixinadaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuseen iyo saraakiisha TPLF ay ka wada-hadleen xasaradaha bani’aadaminimo ee ka taagan gobolka Tigray iyo amniga gobolka.

Si kastaba, Xuseen Macallin ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa twitter-ka ku beeniyey wararkaas.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter.

Wararkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo oo dagaal xooggan oo dhanka baraha bulshada ah ku hayey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay ku dhowaad saddex toddobaad kahor. 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.