image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Laascaanood: Kooxo hubaysan oo dil u geystay guddoomiyihii xisbiga UCID ee Sool

Muqdisho (Onkod Radio) – Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa fiidkii lagu dilay magaaladaas alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Masuuliyiinta gobolka Sool ayaa xaqiijiyey in marxuumka la dilay xilli uu sii gelayey guriga uu ka deggan yahay magaalada Laascaanood, iyaga oo sheegay inay haatan bilaabeen baadhitaan ku aaddan dilka guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha guddida fulinta ee xisbigaas ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Marxuumka la dilay ayaa hore u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayay marar kala duwan ka dhaceen dilal qorshaysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad kala duwan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.