image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kulan looga hadlayay amniga Muqdisho oo lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Maxamed Axmed Amiir, shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa Amniga Caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta doorashooyinka ee Isdiiwaangelinta dadweynaha.

Shirka ayaa waxaa warbixin la xariira Amniga iyo habsami u socodka Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha loogu dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyadoona Wasiirka uu ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan shacabka iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hey’adaha amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo wacyigelinta bulshada ee ku aadan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, in xooga la saaro Taakuleynta iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo in loo turo bulshada qeybahooda kala gedisan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.