image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Koonfur Galbeed oo toogasho ku fulisay ninkii dilay Aamina

Baydhabo (Onkod Radio) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta dil toogasho ah ku fuliyay Maxamed Xasan Maxamed (Goomey) oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Aamina Malaaq Mukhtaar, oo maalmo kahor si arxan darro ah loogu dilay Baydhabo.

Eedeysanaha oo saakay la horgeeyay Maxkamadda gobolka Baay ayaa waxaa lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta marxuumad Aamino Malaaq Muqtaar.

Dadweyne kala duwan, saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo ayaa isugu tegay fagaaraha lagu dilay Marxuum Maxamed Goomey.

Ninka dilka geystay ayaa Marxuumad Aamina waxay ku laheyd deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u ballan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheyd.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana muddo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamino ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.