image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Khilaafka GEDO oo ka sii daraya & Jawaab ka soo yeertay Jubbaland

Kismaayo (ONKOD ) Khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaninayo Axmed Madoobe iyo siyaasiinta gobolka Gedo ayaa cirka isku sii shareeraya , waxaana soo baxaya dhaleecayn kala duwan ee hawada la isku marinayo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ee Kismaayo ku sugan ayaa sheegay in wax lala yaabo ay  tahay hadalada xanafta ah sida hadalka u dhigeen ee ay jiidinayaan siyaasiinta ka soo jeeda goboolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha Golaha wasiirrada Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay in hadaladaas ay ugu soo dari karto , xiisada ka taagan  gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xaalada ka taagan gobolka Gedo, isagoo si dadban u dhaleeceeyey hadal ka soo yeeray Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) oo si cad uga hor-yimid maamulka cusub uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

“Waxaa la yaab noqotay in xaaladda gobalka Gedo laga abuurto shoqo nolol maalmeed ah taasoo lagu qaldayo jaaliyadaha dibadda islamarkaana lagu jahwareerinayo shacabka Jubbaland” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Adan.

Muddo ka badan saddex sano waxaa xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland, halkaas oo hadda ay xoog ku maamulaan siyaasiyiin uu geystay Farmaajo, intii uu joogay xukunka

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.