image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Khilaaf salka ku haya Al-Shabaab oo ka dhex qarxay culimada Somaliland

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa aad usii xoogeystay khilaaf xoogan oo u dhexeeya culimada Ictisaamka iyo Salafiyiinta ee Somaliland, kadib markii uu Sheekh Barbaraawi sheegay in uu xiriir ka dhexeeyo Ictisaam iyo Al-Shabaab.

Sheekh Barbaraawi oo kamid ah culimada Salafiyiinta ayaa khudbad uu jeediyay ku eedeyay Ictisaam inay kamid ahaayeen ragaii aasaasay kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

“Ilmo-galeenka Ictisaam ayuu Shabaab ka soo baxay. Ragga asaasay Shabaab waxa ay kamid ahaayeen Ictisaam. Isku fikir na way ahaayeen. Inta ay Shabaabku yiraahdaan bay oran jireen,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi.

Waxa uu tilmaamay in Ictisaam ay ku eedeyn jireen Salafiyiinta uu kamid yahay inay u shaqeeyaan dadka aan Islaamka ahayn, isla markaana ay jihaadka diidan yihiin, arrintaas oo uu hadda caan ku yahay ururka Al-Shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Barbaraawi ayaa waxa ka carooday culimada Ictisaam ee Somaliland, iyaga oo beeniyay eedeyntaas, waxayna dacwad ka dhan ah u gudbiyeen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

“Waxaan bulshada u cadeyneynaa in aan beri ka nahay eeda iyo dhaleecaynta uu wadaadkaas dusha nooga tuuray ee ah in aanu jirin farqi noo dhexeeya anaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Mustafe Aadan Maxamed oo kamid ah culimada Ictisaam ee Somaliland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.