image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kenya oo fiisa la’aan u ogolaatay dalalka Afrika marka laga reebo Soomaaliya iyo Libiya

Kulan magaalada Nairobi ay ku shegeen golaha wasiirada ee dalka Kenya, uuna shir guddoominayay madaxweyne Willyam Ruto, ayaa laga soo saaray go,aan la xiriira in dhammaan wadamada qaarada Afrika, loo ogolaaday in shacabkooda ay fiisa la’aan tagi karaan Kenya, marka laga reebo wadamada Soomaaliya iyo Libiya.

Go,aanka kasoo baxay golaha wasiirada ee Kenya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Libiya, looga reebay waddamada Afrika ay tahay sababo la xiriira xaaladooda ammaan oo walaac laga qabo.

Sidoo kale dadka ka socda waddamada qaarada ka baxsan ayaa loo ogolaaday in muddo 2 bil ay fiiso la’aan ku joogi karaan Kenya, halka dadka ka yimaada dalalka katirsan Ururka bariga Afrika ay ilaa iyo 6 bil joogi karaan dalka Kenya.

Dowladda Kenya, ayaa tallabadan ku sababeysay mid ay sare uga qaadeyso dalxiiska maadama ay wadankeeda  yimadaan dad badan sannad walba. Sidoo kale waxa ay  sheegtay in ku xoojineyso is dhex-galka bulshada bariga Afrika.

Sikastaba, Soomaaliya ayaa katirsan Ururka bulshada bariga Afrika, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay kamid tahay  dalalka Jaarka la ah Kenya, isla markaana ciidamada  Kenya  ay qeyb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ka howlgala.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.