image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kenya oo dhex-dhexaadin ka dhex wada Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

MUQDISHO (Onkod Online) – Dowladda Kenya ayaa haatan soo farogelisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka, kadib markii ay isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhex-dhexaadiyayaal ah oo ay dirtay dowladda Kenya, isla Markana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe.

Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Ujeedka ayaa ah in lasoo afjaro xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac, balse lama oga soda ay wax noqon doonaan.

Horay Axmed Madoobe ayaa uga biyo diiday isku dayo la sameeyay, si uu dib ugu soo laabto shirkii golaha wadatashiga qaranka, waxaana Kismaayo ugu tegay ku simaha ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, balse safarkaasi kama soo bixin wax natiijo ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.