image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kalfadhiga Baarlamaanka labada aqal oo la shaaciyay xiliga uu furmayo

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaacinayaan xiliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuriyadda  Soomaaliya oo furitaankiisa uu dib u dhac ku yimid xiligii loo baahnaa.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay shegeen in markii kulamo ka yeesheen xiliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay go,aamiyeen inuu  si rasmi ah uu kalfadhiga 6-aad u frumo  maalinta Sabtiga ee 22-ka Feberaayo 2025.

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay  Xildhibaanada ka maqan dalka inay dib ugu soo laabto dalka ka hor inta uusan furmi kalfadhiga, si shaqada hortaala Baarlamaanka ee ay u hayaan bulshada loo sii ambaqaado.

“Sanetarada iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu wargelinaya in ay soo xaroodaan ka hor mudada la go’aamiyay ee furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya si loo sii amba qaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadweynaha Soomaaliyeed”.  ayaa lagu yiri war-saxaadeedka  kasoo baxay guddoonka labada aqal.

Sikastaba dhowaan ayey aheyd markii xubno katirsan mucaaradka dowladda ay shaaciyeen haddii la furi waayo kalfadhiga Baarlamaanka sida ugu dhaqsiyaha badan, ay goobo kale ka furi doonaan fadhiyada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.