image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Jubbaland oo wasiirka amniga gudaha ee XFS ku eedeysay inuu colaad ka hurinayo gobolka Gedo

Xili wefdiga uu hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh ismaaciil ( Fartaag), ay ku sugan yihiin degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay ay kulamo la qateen maamulka gobolka iyo qeyb kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka hadlay arrimahaasi maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in wasiirka amniga uu ku honguubay qorshaha uu watay isla markaana ay ka horyimadeen Odayaasha dhaqanka ee Degmada Garbahaareey ee Gedo.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ku eedeysay in Garbahaareey uu u tagay qorshe siyaasadeed qaldan oo ah hurinta Colaado u dheexeeya Dadka walaalaha ah ee Deeganka wada daga iyo duminta Nidaamka Dowliga ah ee ka dhisan Jubbaland sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

“Odoyaasha Dhaqanka Dagmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa gabi ahaanba iska diiday isku day walbo oo la rabo in lagu burburiyo Dowladda Jubbaland iyo in la iska horkeeno Beelaha Walaalaha ah ee wada dagan deegaanada Jubbaland”

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray maamulka Jubbaland ayaa ku soo aadaya xili khilaaf kala dhaxeeya dowladda federaalka uu gaaray meel sare, iyadana ilaa hadda madaxda dowladda dhexe, ay tilmaamayaan inaysan aqoonsaneen Axmed Madoobe, inuu yahay Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.