image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Itoobiyo dagaalo ayaa ka socda & xarumo Dowladeed oo lala wareegay

Adis Ababa (ONKOD) Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ayaa ka socda magaalooyin kuyaalla ismaamulka Amxaarada.

Warbaahinta taageerta maleeshiyaadka mucaaradka ayaa ku waramaya in ay qabdsadeen xarumo muhiim ah ay ku jiraan garoomo diyaaradeed, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay kusii siqayaan qabsashada xarunta telefishinka Qaranka.

Duulimaadyada magaalooyin waa weyn oo kuyaalla gobolka Amxaarada ayaa hakkad galay, kaddib markii maleeshiyaadka hubeysan ku dhawaadeen garoomadaasi , waxaana socda barakac.

Waxa ay dadkaan cabsi weyn ka qabaan hubka culus ee labada dhinac isku adeegsanayaan si aanay waxyeello uga soo gaarin, taasi waxa ay sababtay in ay barakac galaan waa sida ay ku doodeen qaar kamid ah qoysaskaas.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xaalad degdeg ah gelisay Gobolka Amxaarada oo isku dhacyo xooggan kasoo cusboonaadeen si marka hore xal loogu helo dagaallada halkaas ka socda sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladdaas.

Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha “ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” islamarkaana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa “mid loo dhan yahay.”

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii April sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamada goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.