image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

”Inta hub Xamar dhex ceegaago amni lama xasilin karo Shabaabna lagama adkaan karo ”

Muqdisho (Onkod Radio) — Hubka ugu badan Soomaaliya waxaa u yaallaa Muqdisho iyo duleedkeeda. Rag baa waxa ay ka hadlaan oo shaqsi ahaan u leh 50 -70 PKM ( Qoriga Dabajeexa loo yaqaan ee darandooriga u dhaca) iyo Baasuukayaal (RPG-7) tiradaa ka badan.

Kuwa ayaa marka dad laga xiro ama marka ay wax qoonsadaan tikniko soo kacsada.

Inta hubkaas Xamar dhex ceegaago amni lama xasilin karo, Shabaabna lagama adkaan karo.

Qabiillo gaar ah in kaligood ay Alshabaab la dagaalamaan waa huri waa ee sax maaha , sababtoo ah waa argagaxiso abaabulan oo arxan aan laheyn kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ka baada lacago xad dhaaf ah.

Saleebaan kaligii Galgaduud iyo Mudug in uu Shabaab kula dagaalamo dow maaha. Waa in ay iyaguna dagaalka ay ku biiraan Ceyr, Sacad, Duduble, Mareexaan, Dir, Mursade iyo Abgaal Waqooyi.

Hiiraan Xawaadle kaligii in Shabaab uu la dagaalamo sidoo kale sax maaha. Waa in qabaa’ilka kale ee Hiiraan sida Gugundhabe, Gaaljecel , Dir (Surre) , Ujeejeen, Reer Owxasan iyo Jareer Weyne ay dagaalka galaan oo reerkii culeys uu fuulo loo ciidamayaa.

Shabaab in uu Hiiraan lumiyo waa u baaba’ oo dalka ayay ugu kala gooshaan.

Dowladdu waa in ay hogaanka dagaalka qaadataa oo taageero ciidan iyo saanadba ay ku taageeraan dagaalka soconaya.

Waxii intaa ka soo hara waa sheeko baraleey.

Maxamed Ibraahim Macallimuu

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.