image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

In ka badan 20 qof oo lagu dilay dagaal beeleed ka dhacay magaalada Laas-caanood

Onkod Radio (Laas Caanood) Meydadka 21 qof oo lagu dilay dagaal beeleed u dhexeeya beelaha Faqa-Shini iyo Dhulbahante ayaa salaadda janaasadda lagula tukaday duleedka deegaanadii lagu dagaalamay. Dadka dhintay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan haween, caruur iyo dad da’ ah, inkastoo saraakiishu aysan weli xaqiijin tirada dhimashada.

Dhimashada ayaa timid kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Adhi-Caddeeye oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa beelaha wada dega deegaankaasi.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa markii dambe la geeyay magaalada Yagoori, waxaana xaaladdu ay noqotay mid aad u ballaaran oo labada dhinac ay isku horfadhiyaan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo hor leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaare soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana la gubay guryo iyo burbur hantiyeed oo aad u badan.

Rabshadahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo horay ay u jireen xiisado colaadeed oo u dhexeeyay beelaha wada dega deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo farageliyo dagaalka, loogana hortago khasaaraha nafeed ee kale.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha