image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ifraax Maxamuud Cumar oo ka mid ah masuuliyiinta Maxkamada Sare oo Muqdisho lagu weeraray.

Muqdisho (ONKOD )- Ifraax Maxamuud Cumar oo  ka mid ah shaqaalaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa caawa abaaro 07:30 PM koox ka tirsan Al – Shabaab ay ku weerareen agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Waxaa la maqlayay rasaaas xoogan  oo  goobjoogayaashu ay sheegayaan in lagu furay gaariga ay saarnayd Ifraax  waxaana weerarka uu dhacay mar ay ka soo baxday Hotel halkaas ku yaalla oo ay deganayd.

Si dirqi ah ayay kooxdan kaga badbaaday haweenaydan waxaana rasaasta ku soo baxay ciidan ka tirsan Dowladda  halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen kooxdii ka tirsanayd Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Goobta waxaa isaga baxday kooxdan abaab oo damacsanaa in ay khaarijiyaan haweenaydan , mana jirin wax khasaara ah oo halkaas ka dhacay.

Ma jirto  wax dhibaato ah oo haweenaydan oo ah masuul ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka  ka soo gaartay  rasaastii la huwayay gaarigii ay saarnayd.

Ifraax  waxay sidoo  kale  ahayd xubin ka tirsan  Guddiga adeegga Garsoorka  ee uu kala diray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hore  kooxda Al- Shabaab ayaa saygii qabay haweenaydan waxay ugu qarijiyeen magaalada Muqdisho ka dib markii gaarigiisa ay ku beegsadeen qaraxa isaga oo ku sugan Talada Sayidka oo ku dhaw Aqalka Madaxtooyada.

Dhawr jeer oo hore sidan oo kale  kooxda Al- Shabaab ayaa magaalada  Muqdisho waxaa loogu beegsaday  masuuliyiin ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.