image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Hubaal la’aan ka taagan Laascaanood & ciidamo lagu daad -gureeyay

Laascanood (ONKOD) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka jira maanta dhaq dhaaq ciidan oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.

Sida wararka aan helayno ay sheegayaan waxaa  halkaas ka jira cabsi xoogaan oo ka duwan  tii hore marka loo eego ciidamo fara badan oo halkaas lagu daad gureeyay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada SSC ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool.

Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ku dagaalamayay degaano hoostaga Magaalada Laascaanood.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.