image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Howlgallo lagu dilay xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

Muqdisho (Onkod Rafio) — Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor gor kaashanayo Ciidanka la magac baxay dib u xureynta degaanka ay si wadajir u fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dhulka buuraleeyda gobolka Hiiraan, halkaas oo a ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay buurta dacaarow oo saldhig weyn ay ku lahayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada Gorgor ay sheegeen inay howlgalka ku dileen lix Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale howlgaka kusoo furtay Afar Baqol oo neef Ari ah oo afduub ahaan ay u heesteen, kuwaas oo markii hore laga qaaday dad Shacab ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ballan qaaday inay howlgalada sii wadi doonaan inta ay gobolka Hiiraan ka sifeenayaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh u geysatay dadka shacabka ah.

Degaano badan oo ku yaalla Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf oogan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo is abaabulay, waxaana ay la wareegeen degaano dhowr ah.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan ay sarakiisha ciidamada dowladda sheegeen inay ku dileen 6 xubnood.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.