image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Howlgalka AUSSOM oo qabtay hub iyo xubno lagu tuhmayo inay katirsan yihiin Shabaab

Howgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Militariga iyo kuwa Nabad Sugida ee Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM, ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan xubno katirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Muuri oo hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay howlgalka AUSSOM ee nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in deegaanka Muuri oo kamid ahaa meelaha lagu bartilmaameedsado ciidamada ammaanka, sidoo kale Alshabaab ay ku dhibaateysan jiran Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay hub lala xiriirinayo in dhowaan weerar lagu geystay  iyo  xubno la sheegay in ay katirsan yihiin dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn baryaanka kasoo baxay howlgalka AUSSOM, ayaa lagu sheegay in howgalkan uu muujinayo sida AUSSOM, ay uga go,an tahay in ay gudato waajibaadkeeda, isla markaana ay dooneyso sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sikastaba, Al-shabaab ayaa meelaha ay weli ku xooggan tahay waxaa kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, iyo deegaano kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.