image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Hey’adda ICG oo soo jeedisay in wada-hadal lala galo kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Onkod Radio) –  Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha caalamka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada geeska Africa.

Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo ururka Al-Shabaab maadaama dagaal looga adkaan waayey muddo 15 sano ah/

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayey kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo Al-Shabaab.

Al-shabab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda, waxayna si cad u diidan tahay jiritaanka Dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan wareysi bixiyey ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la galeyn dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inaysan u aqoonsaneyn dowlad.

Saarkaalkaas ayaa sheegay inay qorsheenayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Soomaaliya. Dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay qorsheeneysay inay wada-hadal la furto kooxda Al-Shabaab inkastoo aan arrintaas caddeyn rasmi ah loo heyn.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.