image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Heshiisyo laga gaarayo labo malleeshiyo beeleed oo ka socota Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Onkod Radio) — Waxaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka billowday  shir lagu xallinayo beelihii dhowaan dagaallada ay ku dhex mareen degaanno hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada Beelood iyo Saraakiisha Guutada 4aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Kulanka goobjoog ka ah, iyaga oo ka arrinsanaya sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laab laabtay.

Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle o kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga goobtii lagu dagaallamay, balse Odayaasha dhaqanka labada dhinac looga baahan yahay inay xal ka gaaraan.

Dagaalkii dhowaan labada malleeshiyo Beeleed ku dhexmaray degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux, waxaana dhowaan la kala dhex-dhigay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.