image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Heshiisyo laga gaaray Beelo ku dagaallamay Galgaduud

Xeraale (Onkod Radio) — Odayaasha Dhaqnka & waxgaradka dhinacyadii ku dagaallamay deegaanka u dhaxeeyo degmada Xeraalle iyo ina Gabbile ayaa yeeshay kulankii Koowaad ee looga hadlaayo xal ka gaarista dagaalkii degaanka ka dhacay ee geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Kulanka waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Cabudwaaq Faarax Cabdille Xasan, Saraakiil katirsan Ciidamada dowlada &  Xildhibaanad Raysal Qorane oo ka mid ah Mudanayasha Galaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale.

Intii uu kulanka socday ayaa Odayaasha Dhaqanka dhinacyadan oo dood dheer ka yeeshay xalka xiisadihii dhalisay gacan ka hadalka ayaa isku raacay Qadobo dhiig joojin u ah Bulshada deegaanka, kuwaas oo kala ah.

1- Xabad joojin aan sharuud Gooni ah lugu xirin oo laga hirgaliyo degaanka.

2- Kala qaadida Maleeshiyaadka dirirtu dhex martay maadaama wali ay isku horfadhiyaan deegaanadii lugu dagaalamay.

3- Qabashada Shir wayne looga hadlayo waxyaabaha keenay Gacan ka hadalka taasi oo Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq uu sheegay in la dhigayo Degmada Caabudwaaq 25 Bishan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.