image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Hay’adda SOCUS RY oo ka dhisan dalka Finland oo qalab Sports guddoonsiisay Bulsho Youth Academey.

Hay’adda SOCUS RY oo ah Hay’ad ka shaqeysa dhiirri galinta iyo taageeridda dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa waxay ay qalab sports oo heerkiisu sarreeyo ku wareejisay Bulsho Youth Academy oo ah Akadeemiyad ka dhisan Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile.

Bulsho Youth Academy waxay gacanta ku heysaa dhallinyaro fara badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay siiyaan tababar iyo wacyi gelin ku saabsan in aysan ka qeyb qaadan dhibaatooyinka dalka ka jira sida dagaallada iyo maandooriyaha dhibaatada ku haayo dalka iyo caalamkaba.

Maamulka, Macallimiinta iyo Taageerayaasha Bulsho Youth Academy ayaa u mahad celiyay Hay’adda SOCUS RY iyo maamulkeeda oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Cabdulqaadir Axmed Macallin Cilmi (Qooje) iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan iyagoo uga mahad celiyay sida xushmadda leh ee ay u garab istaageen dhalliyarada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxay Maamulka, Macallimiinta iyo Taageerayaasha Bulsho Youth Academy ka codsadeen Hay’adda SOCUS RY in ay halkooda ka sii wadaan howshaan qiimaha badan ee ay u hayaan bahda ciyaaraha soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Bulsho Youth Academy ayaa waxay shahaado sharaf guddoonsiisay Guddoomiye Cabdulqaadir Axmed Macallin Cilmi (Qooje) iyo Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ah maamulka Hay’adda SOCUS RY inkastoo uu Guddoomiyaha maqnaa waxaa u guddoomay Cabdullaahi Maxamed Xasan.

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.