image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiye Aadan Madoobe “Soomaaliya waxey taageersan tahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin”

Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalintii labaad ka socda Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaasha Baarlamaanadda wadamada Carabta, waxaana sanadkan shirka looga hadlay arrimaha guud ahaan wadamada carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Soomaaliya shirka ku matalaya ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu ugu horeyn u mahadcelyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanadda carabta, guddoomiyaasha baarlamaanadda Carabta ee shirka ka qeyb galay, Dowladda Algeria oo shirka sanadkan martigelineysa iyo guud ahaan shacabka wadankaasi soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay xiligan leedahay in si dhab ah oo ka go’naansho ah looga hadlo loona wajaho, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay taageersantahay in garab istaag buuxa loo muujiyo Falastiin iyo in la helo dowlad rasmi ah oo Falastiiniyiintu leeyihiin caasimadeedana tahay Qudus.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa khudbadiisa kusoo gaba gabeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo adkeynta iskaashiga wadamada Carabta dhexdooda ah gaar ahaan baarlamaanada Carabta oo uu sheegay in wadajir iyo midnimo lagu gaari karo dhamaan ujeedooyinka iyo sidoo kale hadafyada horumarin dhinac walba lagu gaarsiin karo dalalka Carabta iyo shucuubtooda. Sidoo kalena waxa uu ku booriyay guddoomiyaasha kale ee shirka ka qeyb galaya in la dhaqan geliyo qodobada shirka ka soo baxa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.