image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo shaaciyay in howlgalka AUSSOM uu wajahayo khatar

Maxamuud Cali Yuusuf guddoomiyaha Ururka midowga Afrika, oo ka hadlayay shirkii ka dhacay magaalada Kambaala ee dalka Uganda, ayaa shaaciyay in la dhameystiray kala guurka ciidamada ATMIS, loona wareegay AUSSOM, balse ay jiraan caqabado aan weli xal laga gaarin oo dhinaca maaliyada ah.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay madasha ay goob joog ka ahayeen dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in baahi degdeg ah loo qabo heli taanka dhaqaale gaaraya $190 milyan oo dollar, si loogu daboolo kharashaadka labada waji ee kala guurka howlgalka AUSSOM inta lagu jira sannadkan 2025.

Sidoo kale guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa ku baaqay in aan la hakin qaraarka 2719 ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, maadama loo baahan yahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu dambeyn guddoomiye Maxamud, ayaa xusay in ay diirada saari doonaan kaalmada dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, si awooda loogu siiyo in ay la wareegaan amniga guud ee dalka.

Sikastaba, hadalka ayaa imaanaya xili howlgalka cusub ee AUSSOM, uu wajahayo caqabado dhaqaale oo aan weli xal loo helin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.