image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo ka qeyb galay shirka maxkamadaha dalalka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka  Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shirkii 8-aad ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Dastuuriga ah ee wadamada Afrika, oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay doorka dib-u-eegista dastuuriga ah ee garsoorka iyo horumarinta bulshada, Waxaana ka qeybgalay 44 dal oo Afrikaan ah, wufuud ka socota dalalka Carabta iyo sidoo kale hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, dib-u-eegista dastuurka iyo horumarinta bulshada.

Inta uu socdo shirka waxaa la jeedin doonaa khudbado iyo doodo muhiim ah oo la xiriira mowduuca shirka, iyadoo la is-weydaarsanayo waayo aragnimada iyo caqabadaha heysta Maxkamadaha sare iyo hay’adaha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.

Shirkan oo socon doona muddo laba cesho ah ayaa diiradda la saarayaa xoojinta kaalinta Garsoorka ee ku aaddan horumarinta dastuurka iyo sare u qaadista adeegyada cadaaladda ee bulshada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.