image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha wasiirrada oo Axmed Madoobe ku eedeeyay mas’uuliyada dagaalkii shalay ka dhacay Raaskambooni

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodi caadiga ahaa  ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka Daraawishta Jubbaland.

Kulanka ayaa ugu horeeyn lagu cambaareeyay weerarka ay ciidanka Jubbaland ku qadeen ciidanka xoogga iyo la wagreegida Deegaanka Raaskambooni.

Wasiir ku –xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala oo faah faahin ka bixi kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in golaha ay Axmed Madoobe ku eedeyeen inuu xiriir la sameeyay Kooxda Shabaab,isla markaana ciidamo badan oo ka yimid dhinaca gobollada kale ay soo dhex-mareen deegaannada ay heystaan Kooxda Shabaab.

Sidoo kale Al-cadaala waxa uu sheegay in golaha wasiirrada ay magacaabeen guddiga xaqiiq raadin ah oo soo baara sida ay wax uga dhaceen deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab” ayaa lagu yiri Wasiir Al-cadaala.

Waxa uu tilmaamay Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, inay soo baxday tuhunkii laga qabay Axmed Madoobe inuu xiriir iyo wadashaqeyn la lee yahay kooxda al-shabaab.

Sikastaba, go,aanada kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa ku soo aadaya xili shalay dagaal khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Deegaanka Raaskambooni kaasi oo ugu dambeyn sababay in ciidanka dowladda laga qabsado Magaalada, kaddib markii dagaalka looga adkaaday waxaana hadda ku sugan deegaanka Raaskambooni ciidanka Maamulka Jubbaland.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.