image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha wasiirrada Hir-shabeelle oo xalay yeeshay kulan degdeg ah

Golaha wasiirrada Hir-shabeele oo u  shir-guddoomiyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa waxaa diirrada lagu saaray dagaalka A-shabaab  lagaga ciribtirayo guud ahaa Hir-shabeelle.

Wasaaradda Amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda amni ee guud ahaan Hir-shabeelle, waxana ay tilmaamtay in saacadihii ugu dambeeyay guulo waa weyn laga gaaray kooxda Shabaab.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xustay inay dagaalka ku biireen ciidamada Daraawiishta Hir-shabeelle qeybna ay ka ahaayeen howgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay isbeddelka cimilada iyo abaar deegaanada qaar ee Hirshabeelle saameyn ku yeelatay xoolaha.

Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ayaa la wadaagtay Golaha Wasiirrada qaabka ay u dhacday doorrashada Golaha Deegaanka ee degmada Mahadaay iyo sida ay iminka ugu howlan yihiin doorrashada Golaha Deegaanka ee degmada Balcad.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey degmo-nimada Biyo-cadde oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose.

Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Golaha u soo gudbisay saameynta xanibaada dibadda ee Hay’adda USAID oo mashaariic kala duwan ka waday Hirshabeelle.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.