image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay xeer cusub maxayse yihiin ?

Muqdisho (ONKOD) Golaha Wasiirrada X.F.S oo yeeshay maanta  kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Khawaariijta, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxaha Khawaarijta ah, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka,  Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna  goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

–DHAMMAAD—-

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.