image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka Puntland

Garoowe (ONKOD ) Dood adag ayaa wali ka taagan in la furo Dastuurka taas oo xitaa ku keentay deegaanada maamulka Puntland xaalad hubaal la’aan ah iyo gacan ka hadal khasaare badan sababay.

Xubnaha  Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta oo Talaada ah waxay meel mariyeen , in wax laga bedelo Dastuurka oo siyaasiinta ay diidan yihiin in talabadaas la qaado.

54 Xildhibaan ayaa ucodeeyey wax ka bedelka Dastuurka, ee ogolaanaya in golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay cod dadweyne ku imaanayaan, 4 xildhibaan ayaa diiday, halka hal mudane ka aamusay.

Ka hor  inta aan codka loo qaadin xubnaha  Baarlamanka ayaa laga hor akhriyey soojeedinta in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana lagu soo doorto qof iyo cod.

Kulanka xildhibaanada ayaa imaanaya xilli aysan natiijo kasoo bixin waan-waan xalay ilaa shalay ay wadeen isimada Puntland, kuwaa oo ka shaqeenayay in aysan mar dambe dhicin gacan ka hadal lamid ah kii dhawwaan Garawe ka dhacay.

Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa dowladda ayaa ku kala sugan xarumoodii hore ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.