image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Garoowe oo degan & ciidanka oo laga saaray magaalada

Garoowe (ONKOD ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka ayaa maanta ka degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen rabashado salka ku haya wax ka bedelka Dastuurka , waxaana rabashadahaas sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Waxa magaaalada ka socda , dadaalo lagu doonayo in lagu xasiliyo magaalada Garoowe isla markaana la qaado ciidanka ka soo horjeeda Saciid Deni ee  ku sugan meelo ka mid ah magaalada .

Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland, si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay Garoowe.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka jawiga uu xasilan yahay, isla-markaana uu istaagay dagaalkii ka socday xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe.

Dadka rayidka ee ilaa hadda ee ku nafwaayey dagaalka ayaa gaaraya 7 qof, waxaa ku dhaawacmey 10 kale, sidoo kale labada ciidan ayaa la qiyaasayaa in ay isaga geeriyoodeen in ka badan 20 askeri oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Baaqyada nabadeed ee loo dirayo madaxda maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii kordhaya, waxaana muuqata in dhinacyada is haya dhagaha ka fureesteen baaqyada nabadeed ee loo dirayo.

Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, Beesha Caalamka, Isimada Dhaqanka SSC iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Garoowe inay xabadda joojiyaan

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.