image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Garoonka diyaaradaha Beledwayne oo khilaaf u xiran

Beledwayne (ONKOD)Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin, marka laga reebo diyaaradaha adeegyada u keena ciidanka ATMIS ee ku sugan Baledweyne.

Waxaa la tilmaamay in xirnaashaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ay la xariirto murun iyo is qab qabsi ka dhashay lacagta Canshurta ah ee kaso xaroota garoonka oo u dhaxeysa masuuliyiin ka wada tirsan Hirshabeelle.

Mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee fadhigoodu yahay Baledweyne ayaa inoo sheegay in xirnaasha garoonka uu yimid kadib markii lacagaha Canshuurta ah ay isku qabsadeen madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle Muuse Salaad.

Ma ahan markii ugu horeysay oo garoonka diyaaradaha Baledweyne uu u xirmo murun la xariira dhaqaalaha kasoo xarooda garoonka, waxaasa dhibaatada ugu badan ee arrimahan ay saameysa dadka shacabka ah ee ku nool Baledweyne.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle oo ku aadan xirnaashaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, iyadoo lasoo warinayo in arintaan ay si weyn u saameysay dad xanuunsan oo howlo Caafimaad diyaaradahaasi ugu soo qaadi lahayeen Muqdisho iyo dalka Dibadiisa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.