image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Garaad Jaamac ‘’ Ma aqbalayno sheegashada deegaankeena ee Somaliland ‘’

Laascanood (ONKOD) Abaalbul dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xilligan Somaliland ay ka wado deegaanadii hore looga saaray ciidanka Somaliland ka dib  dagaal halkaas kui dhaxmaray ciidanka Somaliland iyo SSC

Dhawr jeer ayaa deegaanada u dhaxeeya labada dhinac ee Somaliland iyo SSC Khatumo ku dhaxmaray dagaal khasaare gaystay isla markaana waxaa laga soo saaray baaqyo kala duwan.

Garaadka guud ee maamulka SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa digniin kama danbays ah u jeediyay Taliska Somaliland ee ku hawllan abaabulka dagaal ka dib muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada.

Garaadka ayaa si adag digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaalka iyo sheegashada degaannada SSC-khaatumo, islamarkaana ay dhulkooda ku ekaadaan, haddii ay nabad rabaan.

“Wiilashiinna haddaa ceshanaysan, wiilashayada waan ceshanaynaa, haddaan ceshan waydaanna, ceshan mayno. Ninkay hali ugu dhasho iyo ninkii ay ugu badiso aan aragno”.

waxa uu sheegay Garaadka in weli uu socdo oo ay ku jiraan halgankii lagu xoreeyay gobolka Sool, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay in degaanadooda ay ka difaacdaan Somaliland.

Digniinta Garaadka ayaa imaanaysa, iyadoo xiisad dagaal iyo abaabul ciidan laga dareemayo jiidaha ay isku hor-fadhiyaan ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.