image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Gantaalo lagu garaacay Tel Aviv & khasaaraha Yahuuda gaaray

Tel Aviv (ONKOD ) Magaalada Tel Aviv ayaa Caawa gubanaysa kadib markii Xamaas ay la dhaceen in ka badan 200 Gantaal, iyagoo sheegay in duqeyntan ay jawaab u tahay duqeymaha dayuuradaha Israel ka geysteen Gaza. Sidoo kale, halganka Nafhurnimo ee Xamaas ayaa Bilowday Aroortii hore ee saaka markaas oo rag Xamaas ka tirsan Hawada uga soo dhaceen Saldhigyo ay yuhuuda leedahay. Dhanka kale, adeegga samatabbixinta qaranka Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 250 qof oo israaliyiin ah la dilay 1,100 kalena ay dhaawacmeen, taasoo ka dhigaysa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil ka dhaca muddo tobanaan sano ah. Ugu yaraan 198 qof oo ku nool Marinka Gaza ayaa iyana lagu dilay ugu yaraan 1,610 kalena waa lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin. Dagaalyahannada Xamaas ayaa Qasa ku qabsaday tiro aan la garanayn oo rayid ah iyo askar ah, taasoo ah arrin aad xasaasi u ah Israa’iil. Hay’ad samato bixin ah oo Israa’iili ah ayaa sheegtay in weerarka ay Xamaas ku qaadeen koonfurta Israa’iil ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof. Xoogaga Xamaas ayaa kumanaan gantaalo ah iyo daraasiin dagaalyahano ah waxay ku weerareen magaalooyinka Israa’iil ee u dhow marinka Qaza, weerarkan oo ahaa mid lama filaan ah oo aan hore loo arag subaxnimadii hore ee saaka oo ah sabtidii ay Yuhuudu ku jirtay fasax wayn. Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil ayaa sheegay in uu soo jeediyay in la dhiso xukuumad degdeg ah oo uu la yeesho ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.