image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

GAAS ” Garoowe waxaan u tagnay in xal u helno khilaafka jira ”

Garoowe (ONKOD) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxa  ka soconaya shirar gaar gaar ah kuwaas oo u dhaxeeya masuuliyiin maanta gaartay Garoowe iyo hoggaanka dhaqanka.

Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Garoowe ka degay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday madaxwaynaha Puntland iyo Ra’iisulwasaaraha dalka iyo Cumar Cabdirashiid oo isagana talada dalka soo qabtay.

Gaaritaankooda Garoowe ka dib ayay bilaabeen in ay la kulmaan qaybaha bulshada ee Puntland  inta badana waxay diirada ku saarayaan kulamadooda khilaafka ka dhashay doorashada iyo in la furo Dastuurka.

Gaas oo hadlay ayaa sheegay in ujeedka Garoowe ay tahay sidii jid loogu bixin lahaa khilaafka taagan ee sababay  in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhashaan dagaalka – halkaas ka dhacay.

“Waxa taagan baan waxaan rajeynaynaa in jid loo bixiyo. Wax badan oo Puntland looga daysado baa dhacay. Doorasho wanaagsan baa dhacday” ayuu yiri  Cumar Cabdirashiid.

Ilo xog ogaal ahi waxay sheegayaan in imaatinka siyaasiyiintan iyo kuwa kale oo mucaarad ku ah madaxweyne Deni ay qeyb ka yihiin in hoggaanka Puntland cadaadis lagu saaro in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.