image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Gaari ciidan oo Muqdisho ka geystay shil sababay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho (Onkod Radio) — Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa sababay gaari ciidan oo jiiray Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, wuxuuna si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Sii-Sii ee u dhow xarunta aargada degmada, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Onkod Radio.

Aabaha dhalay gabadha dhinatay Hani Cabdirisaaq
Aabaha dhalay gabadha dhinatay Hani Cabdirisaaq

Warark ayaa intaas kusii daraya in goobta ku geeriyootay Gabar lagu magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yuusuf, halka ay dhaawacyo soo gaareen Gabar lagu magacaabo Fardowso Weydoow oo ayadna saarneyd mootada iyo darawalkii Mooto Bajaajta.

Hani Cabdirisaaq Maxamed
Hani Cabdirisaaq Maxamed

Gaariga ciidan ee jiiray Mooto Bajaajta ayaa la sheegaya in uu la socday taliyaha Ammaanka degmada Deyniile, ayada oo goobta shilku ka dhacay isaga dhaqaaqay gaarigu, sida lagu soo warramayo.

Shilalka gaawaarida ciidanka ay geystaan ayaa inta badan ka dhaca caasimadda, iyadoo waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka ah, mana jiro inta badan garowshiyo arrintaas ay ka bixiyaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.