image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Farmaajo oo yiri ‘’ Haloo gurmado Qoysaska daadadku ay saameeyeen ‘’

Doha  (ONKOD ) Madaxwayniii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaho ayaa sheegay in   kuhiim ay tahay in loo gurmado Qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay ka soo gaartay daadka ka dhashay roobabka ka da’aya dalka.

Waxa uu sheegay  Madaxwaynihii hore  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo inuu aad ugu xun yahay dhibaatada Qoysaska ay gaartay sidaas darteeda ay muhiim ay tahay in la is caawiyo.

Farmaajo ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay dunidda ka joogaan in ay u istaagaan sidii ay u gar gaari lahaayeen waxna ugu tari lahaayeen walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay fatahaada.

”Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka” ayuu yiri Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyn ku baaqay in loo hoggaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah, waxa uuna tacsi u diray dadka ehelkooda ku dhinteen fatahaadyada.

Hadalka Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo dalka ay ka taagan tahay dhibaatooyin badan oo ka dhashay  daad ka dhashay roobab mahiigan ah oo dalka ka da’ay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.