image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Faah faahino kasoo baxeysa dagaal ka dhacay tuulada Hamacaduur ee gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah  ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka deegaanka iyo Al-shabaab, oo ka dhacay tuulo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al-shabaab, ay weerar dhowr jiho ah ay ku qadeen tuulada Hamacaduur ee gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegasadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dirirto ay dhex martay.

Weli saraashiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Qaayib, kama aysan hadlin dagaalkan maanta ka dhacay tuulada Hamacaduur ee gobolka Galgaduud.

Sikastaba, gobolka Galgaduud, waxaa ka socda guluf dagaal oo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada xoogga iyo kuwa dawaariishta Galmudug, oo kaashanaya ku deegaanka, waxaana dagaalladaasi ay sababeen in deegaano badan oo kooxda Al-shabaab laga saaro.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.