image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Faaf-faahin duqeyn diyaaradeed oo xalay Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya

Saacadihii lasoo dhaafay ee xalay ayaa millatariga Mareykanka  waxa uu weerarkii ugu horreeyay oo dhinka cirka ah ka fuliyay Soomaaliya, tan iyo marki uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Donald Trump.

Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Sabtidi sheegay, in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ay fuliyeen weerarka iyaga oo ku socda amar uu bixiyay madaxweyne Trump iyo iskaashi ay arrintaasi kala yeesheen Dowladda Soomaaliya.

Qiimeyn horudhac ah oo ay sameysay Waaxda Arrimaha Gaashaandhiga ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay, in weerarka lagu dilay dhowr ka mid ah dagaalyanada  kooxda Daacish, isla markaana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isna xalay lagu xaqiijiyay in uu amray weerar cirka ah oo ka dhan ah madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya.

“Gacan ku dhiiglayaashaasi oo aanu ka helnay iyaga oo ku dhuumaaleysanaya godad, ayaa khatar geliyay Mareykanka iyo xulufadeenna. Duqeymaha ayaa burburiyay gudadki ay ku noolaayeen, waxana lagu dilay in badan oo ka mid ah argagixisada iyadoo aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.” Ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Geesta kale qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu soo dhaweeyey weerarka diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanada Puntland, halkaasi oo lagu beegsaday horjogayaal iyo dagaalyahano katirsan kooxda Daacish.

Sikastaba, marka laga soo tago hadalka kasoo baxay Mareykanka, ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta uu Mareykanka uu fuliyay goobaha ay ku dhuumaleysanayeen kooxda Daacish

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.