image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Duqeymo iyo dagaal ka dhacay deegaano hoos taga degmada Galcad

Wararka ka imaanaya  degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay duqeyn diyaaradeed laga fuliyay deegaano hoostaga degmadaasi.

Duqeynta  ayaa si gaar ah waxaa la sheegay in lagu beegsaday saldhig ay kooxda Al-shabaab ku lee yihiin deegaan hoos yimaada Galcad.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa ku waramay in duqeyn culus ay maqlayeen balse aysan ogeyn khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Geesta kale dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidanka xoogga ay weerareen saldhig ay Ururka Al-shabaab ku lee yihiin deegaankaasi.

Siakstaba, ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhan ah Al-shabaab ee ay ka sameynayaan deegaanada maamulada Galmudug iyo Hir-shabeelle.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.