image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Duqa Muqdisho oo la kulmay danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa looga hadlay qodobo ay kamid sidii loo dardargalin lahaa taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, hirgalinta xarumaha farsamada gacanta iyo dib u cusbooneysiinta heshiis-yadii horey loo galay ee la xariiray iskaashiga iyo wax is dhaafsiga ee Muqdisho iyo Magaalooyinka Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya door keeda muuqda ee ku aadan garab istaaga Dowladda Soomaaliya iyo taageerada mashaariicda horumariineed ee Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.