image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Soomaaliya oo soo afjartay maamulkii Hiiraan State, kaddib kulan ka dhacay Baladweyne

Kulan maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, una dhaxeeyay Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Cali Maxaed Sanbalooshe, oo uu wehlinayay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale, ayaa ku guuleystay dhex-dhexaadin miro dhal ah oo lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan  Aadan oo loo yaqaano Cabdullaahi Ganeey.

Khilafkan siyaasadeed ee u dhaxeeyay Cabdullaahi Ganeey oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la magac baxay “ Hiiraan State” ayaa si gaar ah salka uga hayay xiriiro qarsoodi ah oo uu siyaasigaan la yeeshay Dalka Itoobiya, uuna uga dalbaday inay garab istaag u muujiyaan, taasi oo dowladda Soomaaliya ku eedeysay in siyaasigan uu ku kacay falal lidi ku ah qaranimada Soomaaliya.

Shir jaraa’id uu magaalada Baladweyne ku qabtay Taliye Sanbalooshe, ayaa waxa uu ku sheegay in la xaliyay mad madowgii muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa dowladda federaalka iyo siyaasi Cabdullaahi Ganeey iyo kooxdiisa.

“ Waxaa inoo socday mudooyinkan wadahadal aan isku ognahay madaxda dalka, waana ku faraxsanahay in odayaasha ay wadhadalaas ajiibeen, Soomaali ayaan nahay walaalow iyo walaalow ayaa ina deeqa”. Ayuu yiri Taliye Sanbalooshe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta xariiqay in wax dacwo ah aan loo heysan Cabdullaahi Ganeey, isla markaana meesha uu ka saari doono Waaran soo qabasho ah oo dhowaan ay dowladda u jartay, marka uu ku laabto Muqdisho arrintaasi oo xalin doono.

Dhinaca kale siyaasi Cabdullaahi Ganeey, ayaa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay u dhacay, waxa uuna ballan qaaday inuu tageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.