image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay howlgallo ka socda, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Ceelka Nuur Gadow lagu dilay 5 xubnoo  oo katirsanaa Al-shabaab, laguna gubay gaadiid ay wateen.

“Howlgalka  waxaa lagu beegsaday  xubno katirsan Al-shabaab oo deegaanka u yimid in Ceelka ay biyo ka dhaansadaan, balse ciidanka xoogga oo xogtooda hayay ayaa ku baxay goobtana ku toogtay” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar.

Sidoo kale afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Abooreey  ee gobolka Hiiraan, jab culus  lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka xoogga waxa ay howlgallo ka wadaan deegaanka Abooreey iyo nawaaxigiisa, iyaga oo ku baacsanaya Khawaarijta , khasaaro badan ayaa cadowga lagu  gaarsiiyay howlgalka, welina waxaa socda tirakoobka gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa” ayuu yiri afhayeenka.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka sameeynayaan  deegaanada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.