image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda oo dib u dhigaysa qorshaha ka bixitaanka dalka ee ATMIS

Muqdisho (ONKOD) Midowga Afrika ayaa wada qorshe ku aadan sidii dalka ay uga bixi lahayeen ciidanka ATMIS , si amniga dalka guud ahaan ay ula wareegaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ATMIS ayaa qorshuhu yahay in ay dalka baneeyeen dhamaadka bisha December markaas oo ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonaan amniga dalka.

Laakiin hadda waxaa soo baxaya in  Dowladda  Soomaaliya ay doonayso in dalka sii joogaan ciidanka muddo kale si ay isku diyaariyaan ciidanka Soomaaliya ee la wareegaya howlgalada ATMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu dhigtay qorshaha la doonayay in dalka laga saaro ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-dhigaas ay ugu wacneyd heshiiskii qorshaha bixista ciidamada ATMIS oo aan ka hirgelin dhanka dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka Midowga Afrika iyo deeqbixiyeyaasha.

In la kordhiyo awoodda ciidan iyo qalabka ee ATMIS iyada oo la siinayo taangiyo cusub iyo diyaaradaha dagaal ee qumaatiga u kaca

In dowladda Soomaaliya ay abuurto ciidan xoogan oo Soomaaliyeed oo hanan kara amniga dalka oo bedella kuwa nabad ilaalinta

Hase ahaatee Labada qodob oo aan hirgelin ayaa ugu wacanaa dib u dhiga bixitaanka ciidamada Midowga Afrika. Laakiin hadda waxaa dalka ka baxay qiyaastii saddex kun oo askari oo ka tirsanaa ciidamada ATMIS

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.