image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Masar oo ciidamadeeda ku soo daabuleysa gudaha Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Masar ay qorsheyneyso in ciidamadeed ay kusoo daabusho Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka cusub ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Masar ayaa dooneysa in ciidankeeda ku keento dhanka cirka iyo badda, si ay howlgalkan cusub ay uga mid noqdaan.

Ilo wareedyo kala duwan oo xagga amniga ah,  ayaa inoo sheegay in Masar ay xoojineysa qorshaheeda ay ku dooneysa in ciidankeed ay howlgalkan qeyb uga noqdaan,  isla markaana talaabadan ay guul weyn u tahay Masar maadama loolanka toban sano jirsaday uu kala dhaxeeya Itoobiya, maadama ay isku hayaan wabiga Nile oo Addis ababa ay ka dhisaneyso biyo xireeno weyn taasi oo Qaahira  ay u aragto mid khatar ku ah ammaanka Biyaha Nile.

Sidoo kale codsiga Soomaaliya, ayaa ah in ciidamada Masar ay beddelaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika oo la bedelayo, taasoo siineysa Qaahira ciidamo badan oo ka soo tallaaba xadka Itoobiya, taasoo keeni karta in Addis Ababa cadaadis ku saarto inay muujiso dabacsanaan ku aaddan muranka biyaha Nile.

Sikastaba, howlgalkan cusub ee Midowga Afrika, ayaa Jimcihii waxaa ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo qaraarka ay soo sareen 14 wadan oo kamid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah golaha, marka laga soo tago Mareykanka oo ka aamusay sababa la xiriir walaaca uu ka qabo maalgelinta howlgalkan cusub.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.