image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Iran Oo Dil Ku fulisay Muwaadin Yahuudi Ah

MUQDISHO (Onkod Online) – Iran ayaa Isniinta maanta ah dil toogasho ah ku fulisay xubin ka mid ah bulshada Yuhuudda ee laga tirada badan yahay ee dalkaas, kaasi oo lagu helay dambi dil ah, sida uu sheegay urur aan dowli aheyn, xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhaxaysa Israa’iil.

Arvin Ghahremani ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada galbeed ee Kermanshah kadib markii lagu helay dambi ah in uu dil gaystay intii uu socday gacan ka hadal, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Norway.

“Ayadoo ay jirto halista dagaal ay la gasho Israa’iil, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dil toogasho ah ku fulisay Arvin Ghahremani, oo ahaa muwaadin Yuhuudi ah oo Iran u dhashay,” ayuu yiri agaasimaha IHR Mahmood Amiry-Moghaddam, isaga oo intaa ku daray in kiis sharciyeedkan uu lahaa “cillado weyn”.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaa tani dheer, Arvin wuxuu ahaa Yuhuudi, islamarkaana nacaybka heer dowladeed ee ka dhanka ah Yuhuudda Iran ayaa shaki la’aan ah kaalin muhiim ah ka cayaaray fulinta xukunkiisa,” ayuu Amiry-Moghaddam ku daray.

IHR waxa ay sheegtay in Ghahremani lagu eedeeyay in uu nin dilay intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor. Balse waxa ay sheegtay in sida qoyskiisu ay sheegeen in lagu weeraray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay.

Hooyada Ghahremani, Sonya Saadati, waxay codsatay in naftiisa la badbaadiyo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.