image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ku gaaray Dalka Turkiga

Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga, waxaa xalay lagu soo gabe-gabeeyay wada-hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna garwadeen ka aheyd Dowladda Turkiga, waana kulankii ugu horeeyay tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, ay si toos ah labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay kulan waji- waji ah ay yeshaan, ayna uga hadlayaan khilaafka u dhaxeeya.

Kulanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed  iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiy Abiyo Axmed, waxaana kulanka garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Dayip Erdogan, dood dheer kaddib labada dhinac ayaa ku heshiiyay in laga gudbo arrimaha muranka dhaliyay isla markaana waxyaabaha khilaafka dhaliyay meesha laga saaro, bog cusubna ay bilaawdaan labada Dalka, kaasi oo ku saleysan dhowrista madaxbaanida iyo midnimada iyo wadajirka labada Dalka.

Sidoo kale waxaa lagu xusay geba-gabada war-murtiyeedka soo baxay heshiis kasto oo dhacaya ay qasab tahay in loo maro Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warka sidoo kale waxaa daaha looga qaaday in Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga ay labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah,isla markaana lasii amba qaado bisha Febaraayo 2025, ayna garwadeen ka noqon doonto heshiiska Dowladda Turkiga.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahad celisay martiqaadka Shirka, iyo dedaalada ay mudda 8-da bilood ku bixineysay sidii xal diblumaasiyadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sikastaba, Dowladda Turkiga ayaa ah wadan si dhow saaxiib ula ah Dalal  Soomaaliya iyo Itoobiya, waxeyna isku xilqaamay xalinta khilaafka labada Dowladahaan kaasi oo gaaray xiriirkoodi meeshii ugu xumeyd, balse hadda xal laga gaaray

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.