image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dil naxdin leh muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Koonfur Afrika (Onkod Radio) —  Salman Cabdullah Cusman, ayaa Isagoo Meyd ah, Gacmahana ka Xirxiran laga helay Dukaankiisa oo dhinac laga gubay, kaasoo ku yaalla Magaalada Queenstown oo dhacda Gobolka Eastern Cape ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka, kaligiis ayaa Dukaanka joogay, sida ay Boliiska South Africa baaritaankooda ku sheegeen isla markaana ay baahiyeen warbaahinta dalkaas

”Dukaanka saqafka kore ayaa loogasoo galay” ayay saraakisha Booliska u sheegeen warfidiyeenka.

Goor sii horeysay  waxaa lasoo weriyey in Marxuumka uu Stove ku qarxay sidaana uu ku gubtay, balse Saraakiisha dambi-baarista ayaa markii dambe xaqiijiyey in Tooreey Dhabarka uga tiilay.

Weriye ku sugan Gobolka Eastern Cape ee Dalka Koonfur Afrika ayaa RBC u sheegay in AUN Salmaan, Gacmaha xarig looga sirqiyey, waxayna Tuugada dab qabadsiiyeen qeyb kamida Meheradda.

Dhacdadan oo aan wali qofna loo soo qaban, ayaa dhacday Laba Habeen kahor, waxayna Saraakiisha Booliska sheegeen inay dabagal xoog leh ku sameyn doonaan Dilkaasi Arxandarada ah ee loo gaystay Muwaadinka Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.