image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dhaqdhaaqyada ciidanka DFS ay ka wadaan Galgaduud

Dhuusmareeb (ONKOD) Wararka Goobjoog ay ka helayso deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay u wajahaysteen   deegaanada gobolkaas ay kaga sugan yihiin Al- Shabaab.

Ciidanka Dowladda ee ku sugan  deegaanada Ceeldheer iyo Masagawey ayaa saaka dhaqaaqay waxayna Isku fidiyeen dhulka Hoodka ah Ee ku aadan dhanka Baraag Sheikh Caamir oo muddooyinkii la soo dhaafay AS ay ku sugnaayeen

Ciidamadaan ayaa Isku Fidiyay dhowr jaho, waxaana Saraakiishu ay sheegeen inay ku suganyihiin Ciid kuus, oo ciidamada Deegaanka ay gaareen iyo Xuseen Cagey oo ciidamada Gorgor iyana ay caga-dhigeen

Wararka la helayo ayaa sheegaya  in sidoo kale ciidamo kale oo ka  baxay Galcad, waxaana Qorshuhu  yahay ay ka qayb yihiin howlgalada ka dhanka  ah Al- Shabaab wajigisa labaad ee uu  horkacayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Gobolada dalka waxaa ka socda   howlgalada  lagu doonayo in Dowladda Soomaaliya ay kula wareegto deegaano badan oo Al- Shabaab sanado badan ay maamulayeen waxaana hor kacaya Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya.

Diyaar garowga howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ayaa sidoo kale la sheegayaa in  heer gabagabo ah maraya, waxaana la xaqiijiyey in howlgalkaan ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka .

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.