image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dhacdo naxdin leh Haweeney lagu dilay Baydhabo kadibna Boostaneero lagu riday

Baydhabo (Onkod Radio) — Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud Malaaq, ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Boostaneero ku taalla xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed, ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Aamina ay ka soo saaraan boosaneer uu ku riday ninkii dilay, waxaana la soo bandhigay sawirrada meydka.

Ninka dilay haweeneydaas ayaa la sheegay inay ku laheed deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u ballan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheed.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana muddo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamina ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay dadka reer Baydhabo, waxaana socda baaritaano ay kiiskaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raadinta Meydka Marxuum Aamina Maxamuud Malaaq.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed, ayaa haaya nin loogu shakisan yahay inuu yahay gacan ku dhiiglihii.

Baydhabo Haweeney lagu riday Boostaneero

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.