image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dhaawacyada qaraxii Beledweyne oo la geeyay isbitaallada Muqdisho

Muqdisho (ONKOD) Sagaal qof oo kamid ah dadka ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Sagaalka qof ee la geeyay Muqdisho ayaa waxa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah looga qaaday magaalada Beledweyne xalay.

Qaraxa ka dhacay shalay Beledweyne oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada ah oo walxo qarxa lagu soo rarray ayaa lagu qarxiyay xaafadda Horseed, waxayna saraakiisha Booliska Gobolka Hiiraan sheegeen in inta la ogyahay ay qaraxa ku dhinteen 18 qof, 48 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Boolisku waxay kaloo sheegeen inay jiraan dad nolol iyo geeri midna aan lagu hayn, oo dad markii ugu war dambeysay joogay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka, waxana ku dhawaa xarumo ganacsi iyo guryo la dagan yahay.

Magaalada Beledweyne waa magaalada labaad ee qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan Soomaaliya marka laga soo tago caasimadda Muqdisho.

Baledweyne waa magaalada labaad ee kooxda Shabaab ka fuliso qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ugu khasaaraha badan marka laga reebo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.