image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DFS oo ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo xalay laga fuliyay degmada Aadan Yabaal

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo xalay laga fuliyay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in xalay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee ( AFRICOM),  ay howlgal cirka ah ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal, oo gelinkii dambe ee shalay ay Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen.

“Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale dowladda  ayaa sheegtay in howlgalkan uu yahay dedaalada lagu wiiqayo awooda kooxda Al-shabaab, isla markaana looga hortago dhibaatada ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn war-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu yiri. “Ciidamada Qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxa ay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba.”

Sikastaba, gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa ka socda abaabulkii ugu dambeeyey oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo doonaya in deegaanada iyo degmooyinka Al-shabaab ku sugan yihiin ay ka saaraan.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.